(Shariif Xasan) Farmaajo waa qof Soomaali isku keeni kara

by Hassan Ali | Friday, Feb 10, 2017 | 215 views

10,February,2017(SofoNews) Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynaha Koonfur Galbeed oo warbaahinta kula hadlay magaalaad Muqdisho ayaa sheegey in uu ku faraxsanyahay isbedelka siyaasadeed ee dalka kajira.

ayaa sheegay in dalka uu ka dhacay is bedel hoggaamineed, isagoo soo dhoweeyay Madaxweynaha la doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xilli ay siyaasada isaga hor-yimaadeen sanadkii 2011.

Wuxuu soo hadal qaaday qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo isagoo Shariif Xasan sheegay in is bedelka ka dhacay dalka uu noqdo mid ka taliyo Umadda aayaha, nidaam, nabad iyo horumar.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed  inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub, isagoo xusay inuu aaminsan yahay inuu yahay nin wax ka qaban kara dalka.

Sidoo kale waxaa uu fariin u diray Beesha Caalamka oo ku aadan inay la shaqeeyaan Madaxweyne cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo maadama ay doorteen bulshada Soomaaliyeed.

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa sii kordhayay taageerada loo muujinayo madaxweynaha cusub ayadoo kumanaan dadweyne ah ay banaan baxyo ka sameeyeen magaalaad Muqdisho.

Like it? Share it!