Sharci o golaanaya kabixitanka Britain ee EU oo la meel mariyay

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 14, 2017 | 101 views

14,March,2017(SofoNews) Kadib kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaanka dalka Britain ayaa waxay ku meel mariyeen qaraar qabyo ah oo ogolaanaya in Britain ay ka baxdo Yurub inteedi kale.
Qorshaha ayaa u sahlaya dowladda Britain in ay ka sii baxdao Midowga Yurub, taasi oo siweyn looga hadal hayo dalalka kuyaala qaaradda Yurub.
Mudaneyaasha aqalka sare (House of Lords) ayaa ka haray arrimaha la xiriira xaqa degganaanshaha ee midowga Yurub iyo cod bixin wax-ku-ool ah oo ku saabsan heshiiska kama dambaysta ah ee ka bixitaanka.
Arrintan ayaa waxaa yara cakiray ku dhawaaqidii ay xukuumadda Scotland ku dhawaaqday inay qorshaynayso qabashada afti labaad oo ay madax banaani kaga qaadanayso UK.
Sharciga qabyada ah ayaa la filayaa in boqoraddu ay si rasmi ah u saxiixdo si uu sharci buuxa u noqdo Talaadada.
Xukuumadda ayaa qorshaynaysa inay billowdo tallaabooyin rasmi ah oo ay uga baxayaan midowga Yurub, wixii loo gaaro dhamaadka bishan.
Afti laga qaaday dadweynaha reer Britain ayaa waxay isku raaceen in Ingiriiska uu ka boxo kamid ahaanshihii Midowga Yurub taasi oo siyaasiin badan ay ku sifeeyeen arin saameynteedi leh.

Like it? Share it!

Leave A Response