Shaqaalaha dowladda Soomaaliya oo loo amray mushaharaadkooda xili xaaladdu ay tahay mid adag

by Hassan Ali | Sunday, Mar 12, 2017 | 86 views

12,March,2017(sofoNews) Warar ku dhow dhow xafiiska raiisul wasaaraha ayaa sheegayaa in Warqad Ra’iisul Wasaaruhu u qoray Sii Hayaha Wasiirka Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Guud lagu maray bixinta mushaharaadka shaqaalaha dowladda.
Shaqaalaha dowladda ayaa wax mushaar ah qaadan tan iyo markii uu dhashay sanadkan, sidoo kale waxaa ka maqan mushaarka afar bilood oo sanadkii hore 2016 iyo bilooyin dhowr ah oo sanadkii 2015.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa todobaadkii horay amray in la xayiro akoonada Wasaaraddaha Xukuumadda iyo Gobolka Banaadir ku leeyihiin Bankiga Dhexe, waxaana la joojiyay in wax lagala baxo, balse qaraashaadka lagu shubi karo.
Waxaa si weyn loo hadal hayaa bixinta mushaharaadkaasi oo in muddo ah la sugayay ayadoo ay jiraan xaalado adag oo haatan dalka uu wajahayo.
Lama oga sida isku waafaqi karaan labada amar ee Ra’iisul Wasaaruhu soos aaray, iyadoo aan wali xayiraada laga qaadin akoonada Wasaaraddaha Xukuumadda ee Bankiga Dhexe.
Shaqaalaha dowladda ayaa in muddo ah ka cabanayay mushaar la’aan muddo bilooyin ah, waxaana ay sheegaan mar walba oo dowlad cusub timaada waxaa meesha ka baxda xuquuq ay lahaayeen ka hor inta aanay Xukuumadda cusub xilka la wareegin oo aan dib u eegin mushaarkii ka maqnaa.

Like it? Share it!

Leave A Response