Shacabka Gaalkacyo oo ka walacsan dhacdo lagu dilay haweeney ganacsato ahayd

by Hassan Ali | Saturday, Mar 11, 2017 | 74 views

11,Much,2017(SofoNews) Ciidamada amaanka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa wada howlgalo lagu baadi goobayo qofkii ka dambeeyey dil qof haweeney ah loogu geystay magaaladaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkayeen qof hubeysan oo dilaya haweeney kamid ah shacabka magaalaad Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug taasi oo xiligaasi ku sugnaa bartamaha magaalada.
Wararka qaar ayaa tilmaamaya in lacago yer oo gaaray 5 kun shilin Soomaali ah loo dilay haweeneydaasi balse majiraan wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka ee ku aadan falkaasi.
Ilo wareedyo dheerad ah ayaa sheegaya in falka dilka ah uu gacantiisa ku fuliyay qof ku labisan dreeska ciidanka waxaana haweeneyda la dilay ay ahayd qof ganacsato ah.
Haweeneyda La dilay Ayaa Magaceeda lagu Sheegay Foos Maxamed Waxaana Askariga Dilay Haweeneyda la sheegay in ay Ku murmeen Lacag Canshuur ah oo Gaareysa Shan kun Shilin Soomaali.
Shacbka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa aad ugu walaacsan dhacdadan oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayadoo aan la ogeyn talaabada uu qaadayo maamulka inkastoo uu baxsaday qofkii falkaasi ka dambeeyey.

Like it? Share it!

Leave A Response