Shabab oo duqeeyey deegaanka Ceel-Baraf ee Shabeelaha Dhexe.

by Hassan Ali | Sunday, Nov 6, 2016 | 190 views

6,November,2016(SofoNews)Wararaka ka imaanay adeegaanka Ceel Baraf ee gobolka SHabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Shababa ay duqeeyeen deegaankaasi o dhawaan dib uga qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.

Ilo wareedyo ay heleyso SomaliaFocus ayaa sheegaya in madaafiic ay halkaasi ku soo tureen Alshabaab waxaana halkaasi gacanta ku hayan ciidanka dowladda, majiraan wax qasaare ah oo la sheegey in ay ka dhasheen duqeymahaasi.

Dadka ku dhaqan magaalada Ceel Baraf ee gobolka Shabeellahe Dhexe ayaa ka cabanaya xaalado nolol xumo oo la soo daristay, kadib markii dadka intooda badan ay magaalada isaga qaxeen.

Cabsidan iyo xaaladahan nolol xumo ayaa ka dambeyeey kadib markii koxda Shabaab ay gubeen ceelashii biyaha islamarkaana ay barakiciyeen dadkii deegaanka, inkastoo dhawaan ciidamada dowladdu ay dib uga qabsadeen.

Qaar ka mid ah qoysaskii ku noolaa magaalada ayaa la soo sheegayaa in ay badankood halkaas ay isaga barakeceen kaddib markii ay la soo daristay xaalad biyo la’aan ah

Maamulka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo lagu soo celinayo ceelashas si loo dhiso, dadkuna ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Alshababa ayaa dhawaan  bambooyin ku xiray maleeshiyaadka Al-Shabaab, ceelashaas oo gabi ahaanba burburay isla markaana u baahan in dib loo dhiso si dadku ay uga helaan biyo ay isticmaalaan.

 

Like it? Share it!