Shabaab oo muddo kooban xalay la wareegay degmada Mahadaay ee Shabeelaha Dhexe

by Hassan Ali | Saturday, Dec 17, 2016 | 146 views

17,December,2016(SofoNews) Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ururka Alshabaab ay Xalay Dagaal kula wareegay Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe,waxaana la sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Magaalada Banaanka uga baxeen sida dadka deegaankaasi ay sheegayaan.

Sida ay SomaliaFocus ay Goobjoogeyaal u Xaqiijiyeen Gacan ku haynta Magaalada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa la wareegeen  Al-shabaab habeenkii xalay ahaa.

Balse wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Shabaab ay Saakay waabarigii dib uga baxay Magaalada Mahaddaay, waxaana Magaalada ku soo laabtay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dagaal ka dhacay Magaalada ayaa la sheegay inuu geystay Dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Labada Dhinac,waxaana la xaqiijiyay in Labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ay Dagaalka ku dhinteen.

Magaalada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha dhexe ayaa ka mid ah Magaalooyinka ugu Muhiimsan ee ku yaalla Gobolka Shabellaha Dhexe.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response