Shabaab oo 5 qof ku dilay degmada Tiyeglow

by Hassan Ali | Tuesday, Nov 1, 2016 | 179 views

1,November,2016(SofoNews) Wararka ka imaanya gobolka Bokool ayaa sheegaya in ururka Alshababa ay dad shacabka ku dileen degmada Tiyeglow ee gobolka Bokool halkaasi oo dhawaan ay ka bexeen ciidamada Itoobiaya.

SomaliaFocus ayaa xogo ay heleyso sheegaya in ilaa 5 qof oo shacab ah lagu dilay degamadasi kuwaasi oo ay dileen Alshabaab, dadka la dilay ayaa isugu jiray shacab iyo dad kale oo ganacsato ahaa.

Xildhibaan Max’ed Xuseen Isxaaq Afaraale oo katirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegey in dadkaasi loo dilay in ay taageersanaayeen dowladda maadaama ay halkasi ay dhawaan ka bexeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwa dowladda.

Ma ahan oo kaliya degmada Tiyeglow balse waxaa jira deegaano kale oo Alshababa ay dib u qabsadeen inkastoo haatan uu soconayo abaabul dagaal oo markale dib looga saarayo deegaanadaasi Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response