Sedex sarkaal oo militari ah oo ku geeriyootay weerar ka dhacay Muqdisho

by Hassan Ali | Tuesday, Apr 4, 2017 | 73 views

4,April,2017(SofoNews) Waxaa maanta magaalaad Muqdisho ka dhacay weerar ay geysteen kooxo hubaysan kaasi oo ka dhashey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan oo watay gaari yar ayaa saakay weerar khasaaro geystay waxa ay ku qaadeen gaari ay la socdeen Saraakiil katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya xili uu marayay agagaarka Wasaarada difaaca Soomaaliya.
Sadex kamid ah saraakiisha ciidanka xooga dalka ayaa dhaawacmay, ayadoo uu ka badbaaday sarkjaal la sheegey in weerarkaasi lala damacsanaa.
Gaarigii weerarka fuliyay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya ayaa xiray wadooyinka soo gala Wasaarada Gaashaandhiga iyagoona bilaabay baadi goobka gaarigii weerarka fuliyay.
Falkani ayaa imaanaya ayadoo maanta ay wasaraadda gaashaandhigga ay ka socotay munaasabada uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee wasaaradda gashaandhigga Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response