Sarkaal SHabaab katirsanaa oo gacanta ugu jira maamulka Jubbaland

by Hassan Ali | Wednesday, Dec 21, 2016 | 176 views

21,December,2016(SofoNews) Magaalada Ksimaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa Wararka ka imaanaya waxay sheegayaan  in Sarkaal ka tirsanaa ururka Al-Shabaab uu isku dhiibay maamulka Jubbaland.

Sarkaal kaasi oo is dhiibay ayaa lagu soo koobay magaciisa Sheekh Max’ed oo Shabaabka u qaabislsanaan uruurinta Sakawaatka dhanka xoolaha.

Ilo wareed ay heleyso SoomalaiFocus ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ay xaqiijiyay in Sarkaalka ka soo goostay Al-Shabaab ay si wanaagsan ula dhaqmeen, ayna soo dhoweeyeen.

Ciidamada Jubbaland oo taageeraya dad xoolo dhaqato ah ayaa galbeedka Kismaayo kula dagaalamay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Ma ahan markii ugu horeysay oo sarkaal katirsan Shabaab uu isku dhiibo maamulada dalka tani aya amuujinaysaa dhanka kale in awooddii Shabaab ay sii daciifayso inkastoo weli ay wadaan weeraro ku dhufo ka dhaqaaq ah.

 

Like it? Share it!