Sarkaal nabad sugid ah iyo 2 kale oo siyaabo kaladuwan Muqdisho loogu dilay

by Hassan Ali | Thursday, Apr 27, 2017 | 127 views

27,April,2017(SofoNews)Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, rag dablay ah   oo watay gaari nuuca raaxada ah ayaa xaafada Siligi Ameerikaanka ee katirsan degmada Wadajir waxay ku dileen labo qof oo la sheegey in ay walaalo ahaayeen.

Labada will ee la dilay ayaa la sheegey in gaari ay kala soo baxayeen xiligaasi mid kamid ah garaashyada kuyaala ag agaarka Sarta Seybiyaano kuwaasi oo lagu beegsaday rasaas aad u xoogan.
Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Wadajir ayaa sheegey in 2 wiil ladilay  lagu kala magacaabi jiray Mustaf Maxamed Wehliye iyo Saney Maxamed Wehliye islamarkanaa ay dabagal ku hayaan.

Dilalka qorsheesan ayaa u muuqda kuwa kusoo badanaya magaalada Muqdisho. kooxaha dilalka iyo qaraxyada ka geesta magaalada Muqdisho ayaa inta badan ka baxsada gacanta ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale Kooxo hubeysan ayaa  agagaarka Isgoyska Maano-booliyo ee degmada Shibis ku dilay Sarkaal ka tirsan Nabadsugida, iyadoo kooxdii dilka ka dambeysay ay baxsadeen.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacabi jiray  Maxamuud Xaaji Cali Cumar  kaasi oo lagu dilay meel u dhow gurigiisa, ayadoo durba ay Ciidamada ammaanka  goobta gaareen islamarkaana wada baaritaano.

 

Like it? Share it!