Sarkaal katirsanaa Shababaab oo Gedo lagu dilay

by Hassan Ali | Sunday, Jan 29, 2017 | 107 views

29,January,2017(SofoNews) Ilo wareedyo laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay howlgal qorsheysan  ku dileen Taliyihii Ciidamada Al-Shabaab ee Gobolka Gedo oo lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Qanaas oo gobolkaasi kusugnaa.

Warar ku dhow dhow militariga Soomaaliya ayaa sheegaya  in Howlgalka uu ka dhacay Deegaanka Lagu magacaabo Tuulo Barwaaqo oo qayaastii 18 KM u jirta Magaalada Baardheere ee Xarunta Gobolkaas halkaasi oo fariismio muhiim ah ay ku lahaayeen Alshabaab.

Sarkaalkan la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa Taliyihii ururka Alshabaabab ee gobolkaasi Ged gaar ahaan Garbahaareey,Baledxaawo,Luuq iyo Buur-dhuubo.

Dadka deegaanka ayaa walaac kamuujinaya isku dhacyada ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab ee halkaasi ka soconaya ayadoo inta badan ay dhacdo in qasaaro ay ka soo gaartu dagaaladaasi.

 

Like it? Share it!

Leave A Response