Sarifka lacagaha dollarka suuqyada Puntland oo cirka isku shareerey

by Hassan Ali | Sunday, Jan 22, 2017 | 273 views

22,January,2017(SofoNews) Wararka ay SomaliaFocus ka heleyso deegaanada Puntland ayaa sheegay ain sare u kac xoogan laga dareemayo sarifka lacagaha qalaad ee suuqyada magaalaooyinka Puntland.

Macadda sababaha keeney arrinkaasi balse wararka qaar ayaa sheegaya in suuqyadaasi lacagaha shinlinka Soomaaliga ah ay ku soo bateen taasi oo kentay sare u kaca qiimaha dollarka.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo oo maanta kahadlayey kulan looga hadlayey jaan goynta sarifka lacagta dollarka oo Boosaaso kadhacay ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii aan u hogaansamin qiimaha sarifka ee lagu heshiiyey maanta.

Dhanka kalena gudoomiyaha ayaa sheegay in hadda ay xiran yihiin labo sarifle oo kahor yimid midowga ganacsatada sarifka ayna gudigu tallaabo ka qaadi doonaan maadaama ay heshiiska ka horeeyeen.

Maamulka Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ku qabtay kulan lagu jaangoynayo Khiimaha Sarifka Dolarka.

 

Like it? Share it!

Leave A Response