Saraakiisha Amisom iyo guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo kulmay

by Hassan Ali | Saturday, Feb 4, 2017 | 99 views

4,February,2017(SofoNews) kulankan guddomiyaha gobolka shabeelaha Hoose uu la qaatay  taliyaha ciidanka Amisom ee gobolada Banadir iyo shabellaha Hoose general Mohanga ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo dardar gelin lahaa howlgalada lagula dagaalamayo maleeshiyaadka Shabaab iyo sidii Amisom ay qeyb ugu qaadan lahayd.

Intii kulanka  uu socday ayaa mas’uuliyiinta waxay siweyn diiradda u saareen sidii Al-shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegey in ay isku afgarteen saraakiisha Amisom in la fuliyo waxyaabihii ay ku heshiyeen.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Shabelaha Hoose  ayaaa kormeer ku tagay xarunta madaxtooyadaKoonfur Galbeed  isagoona gudoomiyaha uu Indha indheyn ku sameyay qeybaha ay ka koobantahay madaxtooyada KGS ee degmada Baraawe.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose ayaa sidoo kale waxa uu kormeer ku tagay Deegaanka Ambaresa oo ay ku noolyihiin dad ka soo barakacay deegaanda fog fog oo ay abaartu saamesay  isagooo u kuur galaya xaaladaa nololeed iyo

wax barasho ay ku noolyihiin dadka ku dhaqan degaanka Ambaresa ee hoostaga degmada baraawe wuxuuna xusay in ay ka shaqeyn doonaan sidii adeegyada bulshada looga hirgelin lahaa deegaankaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response