Saraakiil Mareykank ah oo Muqdisho soo gaartay

by Hassan Ali | Friday, Apr 14, 2017 | 120 views

14,April,2017(SofoNews) Sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Pentagon ee difaaca Mareykanaka , ciidamo Maraykan ah yimid Soomaaliya kuwaasi oo la sheegey in ay caawinayaan dowladdaSoomaaliya. Ujeedada arintan ayaa saraakiisha Mareykanka waxay ku tilmaameen in ay tahay sidii looga cawin lahaa ciidamada Soomaalida iyo Maisom dhanka tababarada maadaama ay dagaal kula jiraan Alshabaab.

Tiro kooban oo ciidamo ah ayaa 2-dii bishan ka dagay magaalada Muqdisho, waxaana saraakiishu sheegeen in tagista ciidankaasi ay codsatay dowladda Somalia. Maraykanka ayaa waxaa horey uga joogay Somalia ciidamo kooban iyo saraakiil tiradoodu gaareyso illaa labo boqol kuwaasoo ka howlgala saldhigyo qarsoodi ah oo maraykanku leeyahay. Talaabadan ayaa ku soo aaday xili dhowaan maamulka madaxweyne Trump uu shaaciyey inuu xoojinayo howlgalada milateri ee ciidamada Maraykanku ku beegsanayaan xoogaga Al-Shabaab ee ka dagaalama Somalia.

Like it? Share it!

Leave A Response