Saraakiil katirsan Koonfur Galbeed oo ku dhintay dagaalkii Afgooye

by admin | Wednesday, Oct 19, 2016 | 252 views

19 Oct 2016 (SofoNews) – Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraahin Aadan Najax ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Asluubta Cabdulqaadir Maskiinoow uu ku dhintay Dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga al-shabaab isaga oo dhanka kale xusay in uu dhintay xilli uu dagaalamayay.

Saraakiil katirsan maamulka Koonfur Galbeed oo uu kamid yahay Maxmuud Qooley ayaa ku dhintay dagaalka sida wararku ay sheegayaan.

Dadka ku dhintay dagaalka ka dhacay Afgooye ayaa gaaraya ilaa iyo 20 ruux oo isugujira saraakiil ciidan iyo dad shacab ah.

Ma cadda khasaaraha soo gaaray dhanka xoogaga al-shabaab oo wali dagaal kula jira ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda taagta daran ee Soomaaliya.

Like it? Share it!