Sanad guuradii 44aad ee maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed oo maanta la xusayo

by Hassan Ali | Saturday, Jan 21, 2017 | 130 views

21,January,2017(SofoNews) Taariikhdu markay ku beenayd 21,Janaayo 1973-kii waa maalintii ugu horreysay ee uu soo baxo Wargeys ku qoran Afka Soomaaliga, 6-dii aroornimo ee maalintaasi ayaa laga dhaqangaliyay Xafiisyada Dawladda in lagu shaqeeyo Qoris iyo akhrisba, iyadoo lagu dhawaaqay in la hirgaliyo Farta Soomaaliga 21-kii Oktoobar 1972-kii, tan iyo waqtigaasi, waxay Wasaaradda Warfaafinta 21-ka Janaayo ee sanad kasta u aheyd maalin ay u dabaaldegto, kuna soo bandhigaan waxqabadka Hey’adahooda, sidaasi darted anagoo xuseyna maalintaa waxaan halkaan ku soo bandhigayaa Taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeed iyo heerarkii ay soo martay.

Taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeed marka laga hadlaayo waxaa loo qeybin karaa 4 heer ama marxaladood, waxayna kala yihiin:-
1. Xilligii Xorriyadda ka hor 1930 ilaa iyo 1960-kii.
2. Xilligii Dowladihii Rayidka 1960-kii ilaa iyo 1969-kii.
3. Xilligii Dowladdii Millitariga 1969-kii ilaa iyo 1990-ii.
4. Iyo marxaladdii bur-burka dalka ka dib.

(1). Xilliggii Xorriyadda ka hor: Saxaafaddu waxay ka bilaabatay meel Eber ah, sababtoo ah ma jirin Dad aqoon iyo xirfad u leh Cilmiga Saxaafadda iyo waxtarkeeda, balse waxaa soo baxay Dad kooban, kuwaasi oo ka dhiidhiyay falalka gumeystayaasha Faransiiska, Ingiriiska iyo Talyaaniga ay ku hayeen Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed, waxaana Magaalada Jabuuti markii ugu horreysay 1933-kii laga soo saaray Wargeys la magic baxay Codka Shaqaalaha, kaasi oo xambaarsanaa ficillo wata farriimo Xornimo doon ah, waase la xiray markii dambe, wuxuuna gumeysigu u arkay in isaga lagu kicinayo Dadkii uu gumeysanayay.

Sidoo Magaalada Hargeysa waxaa ka soo if baxay 1936-kii Wargeys kale oo lagu magacaabi jiray (Af Soomaal),kaasi oo lagu daabici jiray Magaalada Cadan ee Dalka Yemen, halkaasi oo ay degenaayeen Dad Soomaaliyeed oo si toos ah ugu xiran dhaqdhaqaaqyadii Xornimo doo nee ka socday Dhulka Soomaalida oo dhan, balse gumeysigii Ingriiska markii uu arkay saameynta Wargeyskaasi ku yeeshay Dadka ku nool Gobolada Waqooyi, waxa uu amray in si dhaqso loo xiro Wargeyskaasi, uuna soo galin Gobolada uu gumeysto, hase ahaatee taasi ma noqon mid joojisa Wargeyskii iyo dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka ee shacahka wada saameeyay, waana sii xoogeystay ilaa ay is raacaan 2-dii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya 1-dii Luuliyo 1960-kii.

Dhinaca kale, aas-aaskii Ururkii SYL, 15 May 1943-kii ka abuurmay Magaalada Muqdisho, wuxuu isna billaabay soo saarista Wargeys la magic baxay (Al-Wuxda), kaasi oo xariir la lahaa dhaqdhqaaqyadii ka socday Magaalooyinka Jabuuti iyo Hargeysa oo si qarsoodi ah Wargeysyo uga soo bixi jireen.

Haddaba Saxaafadda Soomaliyeed ee waqtigaasi waxay ahaayeen kuwo iftiin u ah Xorriyaddii la qaatay 1960-kii iyo aas-aaskii Saxaafadda, Raggii aas-aaska u dhigay Saxaafadda Soomaaliyeed waxaa hormuud u ahaa:-

  1. Maxamuud Jaamac Uur-doox, oo ahaa Ninkii ugu horreeyay oo Horgeysa ka soo saaray Wargeys 1935-kii.
    2. Xaaji Cabdi Ducaale, waa Ninkii ugu horreeyay ee ka hadla Idaacadda Hargeysa 1943-kii.
    3. Soogare Maxamed Cadde oo ahaa Ninikii ugu horreeyay ee Filim qaade ka noqda Muqdisho 1947-kii.
    4. Xuseen Cabdi Farmashiye waa Ninkii ugu horreeyay ee Muqisho ka noqda Sawir qaade 1950-kii.
    5. Aaden Isaaq Timacade, waa Ninkii ugu horreeyay ee Muqdisho ka noqda Sawir-gacmeed sameeye (Artiste) 1950-kii.
    6. Daahir Ibrahim Cabdi waa Ninkii ugu horreeyay ee keensada Madbacad wax lagu daabaco 1952-kii.

Raggani waxay mudan yihiin in ay xasuusta ku hayaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee maanta jooga, kuna daydaan dadaalkii naf hurnimo ee ay soo galeen aas-aaska Saxaafadda Soomaaliyeed.
Wargeysyadii Dalka ka soo bixi jiray Xorriyadda ka hor:-

  1. Somali Journal—- Dowli ——-1950 ilaa 1960-kii.
    2. Al-Liwaa ——— gaar ah —–1958 ilaa 1960-kii.
    3. Qarni Afriqiya —–SNL ———1957 ilaa 1960-kii.
    4. Al-Wuxda —–SYL ———-1957 ilaa 1960-kii.
    5. War Somali side –Dowli Ingiris -1953 ilaa 1960-kii.
    6. Corriere del Somalia-Dowli Talyaani-1950 ilaa 1960-kii.
    7. Al-Sariixa ———– Gaar———–1957 ilaa 1960-kii.

(2). Xilligii Dawladda Rayadka 1960-1969-kii.
Markii Xorriyadda la qaatay durbadiiba waxaa furmay xorriiyaddii hadalka, waxaaa abuurmay Wargeysyo badan oo si furan u hadli jiray, kuwaasi oo ku soo bixi jiray Afaf kala duwan sida:-Carabi, Ingriis iyo Talyaani, hase yeeshee waxaa meesha ka maqneyd tirade Dadka Soomaaliyeed eek a faaideysan kartay, sababtoo ah Dadkeennu inta waxbaratay aad iyo aad ayay u yareyd.

Dhinaca kale waxaa Dalka ka jiray 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-kii, xilligii Gumeysiga Ingiriiska iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-kii xilligii Gumeysiga Talyaaniga oo Maxmiyad ku haystay Gobolada Koofureed, waxaana Labadaasi Idaacadood Maamulkooda gacanta ku hayay Xukuumaddii Rayadka ee Soomaaliya, kadiba waxaa ku soo biiray oo la unkay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, oo la aas-aasay 5-tii Janaayo 1964-kii, iyadoo hoos imaanaysay Wasaaradda warfaafinta, sida Labada Idaacadood.

Wargeysyadii soo bixi jiray Xilligii Dawladdii Rayadka 1960-1969-kii.
1. Corriere Del Somalo Dawli 1960-1969. Maalinle.
2. Sowtu Soomaal Dowli 1960-1969. Maalinle.
3. Somali News Dawli 1960-1969. Maalinle.
4. Somali review Dawli 1964-1967. 3 Biloodle.
5. Li Oriente Gaar 1967-1069. Todobaadle.
6. La Tripuna Gaar 1967-1969. Bille.
7. Kifaax Xisbiga SDU 1963-1964. Todobaadle.
8. Itixaad Al-shacab SDU 1964-1968. Toddobaadle.
9. Al-Waxda Xisbiga SYL 1957-1969. Toddobaadle.
10. Al-Xaqiiqa SYL 1965-1969. Toddobaadle.
11. Al-shacab Gaar 1967-1969. Toddobaadle.
12. Dalka Gaar 1968-1969. Bille.
13. Al-Jihaad Gaar 1968-1969. Toddobaadle.

 

Like it? Share it!

Leave A Response