Safaaradda Soomaaliya Koonfurta Suudaan oo ciyaartoyda Jabuuti soo dhaweyn u sameysay

by Hassan Ali | Thursday, Mar 30, 2017 | 93 views

30,March,2017(SofoNews) Danjiraha jamhuuriyada Fadaralka ah ee Soomaaliya u fadhiya wadanka Koonfurta Sudan Hussein Haji Ahmed ayaa shalay Soo dhaweyn iyo Qado sharafeed u sameeyay xulka kubada Cagta ee walaalaheen Djabuti oo kulan ciyaareed ugu yimideen dhigooda Koonfurta Sudan.
Munaasabada oo ka dhacday xarunta Safaarada ayaa waxa uu danjiruhu ku dhiirigaliyay ciyaartooda xulka qaranka Djabuti ciyaar wanaagi ay soo bandhigeen kulankii dhaxmaray iyaga iyo xulka Koonfurta Sudan kaasi oo loogu itaal sheektay xulka Djabuti waxa uuna dajiruhu Abaal marin gudoon siyaay Ciyaar yahanki ugu kubada wanaagsanaa ee reer Djabuti.
Danjire Hussein Haji Ahmed ayaa xasuusiyey ciyaartooda Djabuti xariirka labada shacab iyo xalaada ay mareyso xiligaan Soomaaliya wax uuna bogaadiyay doorka samatabixineed ee uu ka qaatay mudane madaxweyne Ismail Omar Gelle.
Dalka Suudaanta Koonfureed ayaa waxaa kunool Soomaali aad u farabadan ayadoo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo wadankaasi uu ahaa mid sii xoogaysanayaya sanadihii ugu dambeeyey.

Like it? Share it!