Safaaradad Soomaaliya ee Mareykanka oo ka hadashay go’aankii Donal Trump

by Hassan Ali | Thursday, Feb 2, 2017 | 116 views

2,February,2017(SofoNews) Waxaa sii kordhaya walaaca laga muujinayo go’aankii dhawaan ka soo baxay madaxweynaha Mareykanka Donal Trump oo ku wajahanaa dadka soo galootiga ah.

MAs’uuliyiinta safaaradada Soomaaliya ee Mareyknaka ayaa markii ugu horeysay kahadlay go’aankaasi oo ka soo baxay dowladda Mareykanka.

Kadib markii todobaadkii hore dowlada Mareykanka ay xayiraad kusoo rogtey inay dalkan soo galaan muwaadiniinta todobo dal oo dadkooda Muslim ay yihiin oo ay Somalia ku jirto, ayaa safiirka Soomaalia ee Mareykanka Axmed Ciise Cawad waxuu sheegay in ay hore usii ogeyd dowlada Somalia, tilaabada madaxweyne Donald Trump.

Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Safaarad  ahaan ay ka xun yihiin Go’aankii uu gaaray Madaxweyne Trupm,waxaana uu u xusay in ay ku rajo weyn yihiin in Madaxweynaha Mareykanka uu ka laabto Go’aankii uu horay u gaaray.

Safiir Cawad ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trupm ay u gudbiyeen Warqad Cabasho ah oo ku aadan in Xayiraadda laga qaado Dadka Soomaaliyeed,maadaama Dadka Soomaalida ah ay yihiin kuwo Mareykanka wax badan ku soo kordhiyay.

Dad badan oo Soomaaliya ay kujirto ayuu saameeyeey go’aankaasi ayadoo sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqulinsaanku ay siweyn u cambaareeyeen hadalkaasi iyo sidoo kale hogaamiyaasha caalamka qaarkood.

Like it? Share it!

Leave A Response