Saaxiibkii hogaamiyaha Jubba oo soo abaabulay weerarkii Garissa

by admin | Saturday, Apr 4, 2015 | 319 views

Dowldaa Kenya ayaa shaacisay in ninka lagu magacaabo Maxamed Kunno oo saaxiib aad u dhow la ahaa hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe waxaana ninkan la dhul dhigay lacag gaareysa $215,000.

Ninka la doon doonayo ee Soomaali-Kenyanka ah ayaa ku biirey Xarakada al-shabaab sanadi 2007 waxaana uu xubin fir fircoon ka ahaa kooxda tan iyo waagaasi.

Ciidamda Kenya ayaa sheegay in Kunno uu soo diyaariyay weeraro kala duwan oo argigaxiso ah waxaana kii ka dhacay oo uu ka dambeeyay lagu qaaday xarunta jaamacadda Garissa oo 147 qof oo arday u badan ay ku dhinteen.

Dagaalyahanno aad u hubeysan ayaa khamiistii weerar lama filaan ah ku qabsaday dhismo jaamacadeed oo ku yaalla Garissa iyaga oo gowracay qaar kamid ah ardada oo ay qafaasheen inta weerarka uu socoday.

Weerarka ayaa dhaliyay cabsi badan oo laga dareemay wadamada ciidamda u diray Soomaaliya.  

Like it? Share it!