Saameynta abaaraha oo sii kordhaya iyo gurmad barbar socda

by Hassan Ali | Thursday, Mar 9, 2017 | 136 views

9,March,2017(SofoNews) Ayadoo ay sii kordhayaan saameynta abaaraha ka jira qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa soconaya dhanka kale dadaalo ku aadan sidii loogu gurman laha dadkaasi.
Magaalaad Muqdisho ayaa kamid ah meelaha uu ka soconayo ololahaasi ayadoo maamulada dowliga ah iyo qeybaha bulshada ayaa iska kaashanaya sidii dhaqaale loogu uruurin lahaa dadkaasi ay abaaruhu saameeyeen.
Munaasabadaan oo deeq loogu aruurinaayey dadka ay abaaraha ku saameeyeen Gobolada Dalka Soomaaliya islamarkaana lagu soo bandhigayey doorka ay Haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin Hormarinta dhaqanka ayaa xalay waxa ay ka dhacday Xarunta aqalka dowlada Hoose ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadaan oo ay kasoo qeyb galeen Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xildhibaano , gudoomiyaha gudiga doorashooyinka ee madaxbanaan , gudoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir , fanaaniin iyo ururadda Bulshada Rayidka ayaa waxaa lagu soo bandhiagay bandhig carweed lagu soo bandhigayey hidaha iyo dhaqanka Soomaaliya.
Gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa waxaa si isku mid ah uga soconaya olole loogu gurmanayo dadka macluusha iyo abaarta haysata waxaana dad badan ay u dhinteen abaaraha iyo macluusha daran ayadoo sidoo kale ay jiraan dad badan oo u dhintay cudurka shuban biyoodka.

Like it? Share it!

Leave A Response