Roobab xoogan oo lagu diirsaday dadna ay ku dhinteen oo xlaya ka da’ay Muqdisho

by Hassan Ali | Friday, Apr 28, 2017 | 75 views

28,April,2017(SofoNews) Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay waxaa ka da’ay roobab xoogan oo lagu diirsaday ayado saaka biyuhu ay dhac ceegaagaan xaafado kamid ah magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa sheegay in xalay oo dhan ay taagni ku baryeen iyagoo wata caruur yar yar uuna dushooda ku da’ayey roobkaasi ka dib markii bushashkii ay ka gabaadsanayeen roobabka qaarkood ay qaadeen daadad ka dhashay roobka waxaana qabowga jiraa u dheer dhibaatooyin kale oo ay ka mid yihiin ciriiri dhinaca nolosha ah.

Degmada Yaaqshiid oo kamid ahayd meelaha uu roobka ka da’ay ayaa waxaa ku geeriyootay Caruur kuwaasi oo kala ahaa Cumar Cali Nuur oo Lix bilood jir ahaa oo la sheegay inay biyuhu qaadeen, kadib markii uu biyaha uga dhacay hooyadiis oo ula carareysay meel ay uga ganbadaan dhibicda roobka, waxaana xilli danbe laga soo saaray biyaha isagoo meyd ah.

Sidoo kale Maxamed Abshir Cabdullaahi oo Shan jir ahaa ayaa xalay ku geeriyooday roobka, kaasoo la sheegay inuu ku soo dumay dhismo ay daganaayeen qoyskiisa.

Roobabkan oo ah kuwii xiliga Guga ayaa ku dul da’ay dadka soo barakacay oo u badan caruur haween iyo dad waayeel ah kuwaasoo aan heysan hoy fiican oo ay ka galaan qabowga iyo dhaxanta, iyagoo ku nool guryo buushash ah oo ka sameysan baco iyo cooshado, kuwaasoo aan adkeysi badan u laheyn dhibicda roobka.

Sidoo kale Gobolada dalka qaarkood ayaa waxaa iyana ka da’ay roobab kuwan la mid ah, iyadoo digniino laga bixiyey fatahaado iyo daadad ka dhalan kara roobabkan oo ah kuwii xiliga guga.

Like it? Share it!

Leave A Response