Roobab xoogan oo ka da’ay deegaano katirsan Somaliland

by Hassan Ali | Saturday, Dec 24, 2016 | 166 views

24,December,2016(SofoNews) Ayadoo ay abaaro xoogan ay kajiraan qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya aya haatan meelaha qaarkood waxaa ka bilowday roobab ay ku diirsandeen dadka iyo duunyada.

Wararka ka imaanaya degaano hoos yimaada Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in roobab xoogan oo sameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada uu  ka da’ay Gobolka Sanaag.

Waxaa roobaabkaasi ku diirsaday dadka iyo duunyada oo u haraadanaa biyaha dhibicdooda ayadoo Degaanada ay roobabku ka da’een ay ka jireen abaaro ba’an, roobabka oo la sheegay in ay wateen dabeeylo ayaa waxaa  ku dhintay  ku dhawaad 500 oo neef oo ari ah.

Dadka ku nool Degaanada uu Roobku ka da’ay ayaa Warbaahinta u sheegay in ay dhaafeen Xoolihii ay dhaqan jireen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa Warfidiyeenada u sheegay in ay Gurmad Deg Deg ah u fidinayaan Dadka uu Roobku saameeyay.

Intabadan gobolada dalka ayaa waxaa kajira abaaro saameeyeye nolosha dadka iyo duunyada ayadoo meelaha qaar kood ay ka bilowdeen howlo loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response