Ronaldo oo markii Shanaad helay abaal marinta Ballon d’Or

by admin | Friday, Dec 8, 2017 | 42 views

Paris (Somaliafocus) – Weeraryahanka Kooxda Real Madrid Ronaldo ayaa markiisii 5aad ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ee la gudoonsiiyo laacibka ugu wanaagsan dunida, waxaana uu ka guuleystay Messi oo ay xifaaltamaan.

Guushan ayaa ka dhigan in uu bareejeeyay laacibka Barcelona Messi oo sidoo kale abaalmarintan helay shan jeer. Waa sanadkii labaad oo si joogto ah ugu guuleysto abaalmarinta kaddib markii kooxdiisa iyo dalka uu ka soo jeedo Portugal uu ku hogaamiyay guulo waaweyn.

Neymar oo hadda ah laacibka ugu qaalisan dunida ayaa soo beegsaday kaalinta seddexaad.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response