Raisulwasaare Sharmarke oo lagu qasbay in uu hortago Baarlamanka

by admin | Wednesday, Mar 2, 2016 | 394 views

02 Mar 2016 (SofoNews) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Wasiirka Amniga Gudaha,Taliyaasha Ciidamada Nabad Sugidda iyo Booliska Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay hortagaan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Tani ayaa ka dambeysay kaddib markii shalay taliyayaasha ciidanka ay ku fashilmeen in ay hirtagaan golaha Baarlamanaka si ay uga jawaabaan su’aallo amniga dalka khuseeya.

Raisulwasaaraha ayaa xalay shirar gooni gooni ah lalahaa madaxweynaha iyo laamaha amaanka, waxaana ugu dmabeyntii ay noqotay in Raisulwasaaraha uu hortago Baarlamanka.

Baarlamanka ayaa ku cadaadiyay Raisulwasaaraha in uu golaha horkeenno taliyayaasha madaama ay hoostagaan maamulkiisa.

Weeraro isdaba joog ah oo ka dhacay muqdisho ayaa sababay wal wal badan oo ka soo yeera shacabka iyo Baarlamanka Soomaaliya.

Dhowaan taliyaha Nabadsugidda waxaa uu sheegay in maamulka Banaadir uu masuul ka yahay amaanka Caasimadda.

Like it? Share it!