Raisulwasaare Sharmarke oo kusugan Cadaado

by admin | Friday, Nov 27, 2015 | 434 views

27, Nov, 2015 (SOFO NEWS) – Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashid ayaa lagu soo waramayaa in uu gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Wararku waxay sheegayaan in Raisulwasaare Sharmarke uu Cadaado kulamo kula leeyahay Masuuliyiinta Maamulka Galmudug oo uu kala hadlayo xiisadaha ka taagan Gaalkacyo.

Masuuliyiin katirsan dowladda ayaa qeyb ka ah safarka Raisulwasaaraha, waxaana safarka uu yahay sidii xal looga gaari lahaa xiisadaha labada dhinca ee ku dagaalamaya Gaalkacyo.

Safarkiisa ayaa laga yaabaa in uu usii gudbo Gaalkacyo. Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa labada dhinac isku eedeeyay in ay ka dambeeyeen abaabulka xiisadaha Gaalkacyo.

Like it? Share it!