Ra’isul wasaare Kheyre oo rajo fiican muujiyay

by admin | Tuesday, Mar 14, 2017 | 114 views

15 March 2017 ( SofoNews) – Xilli wadanka uu kujiro xaalad bini’aadanimo oo aad u adag ayuu wasiirka koowaad oo dhowaatan kalsoonida la siiyay waxaa uu rajo wanaagsan kamuujiyay in si deg deg ah looga bixidoono abaarta isaga oo muujiyay in dowladdiisa ay qaadidoonto waxwaliba oo macquul ah.

Isaga oo hadlayay, kaddib salaad roobdoon ah oo uu ka qaybgalay, Cali kheyre waxaa uu tilmaamay in wadajirka umadda uu yahay muhiim si dhibta looga baxo.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka sida weyn macluusha ay u saameysay qaaradda afrika, iyada oo koonfurta Suda iyo Yemen ay kamid yihiin dalalka kale ee la daala dhacaya musiibadan bini’aadannimo.

Like it? Share it!

Leave A Response