Raiisul wasaraha Canada oo cambaareyeey weerar lagu dilay dad muslimiin ah

by Hassan Ali | Monday, Jan 30, 2017 | 207 views

30,January,2017(SofoNews) Wararka ka imaanaya dalka Canada ayaa sheegaya in Kooxo hubeesan ay weerar ku qaadeen  masjid kuyaala magaalada Quebec ee dalka Kanada, kaasi oo ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku dhaqan gobolka uu falka ka dhacay ayaa sheegaya in Inta la xaqiijiyay 6-qof oo kamid ahaa jameecadii Masjidka ay ku dhimateen weerarka rasaasta loo adeegsaday.

Ciidamada booliiska magaalada Quebec ayaa labo qof u xiray weerarkan oo dhacay xalay , waxa ay sidoo kale ciidanka booliiska baadi goob ugu jiraan dad kale oo la tuhmayo in weerarka Masjidka lagu qaaday ku lug lahaayeen.

Bulshooyinka muslimiinta ah ee kunool magaalada Quebec ee dalka Kanada ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xogan oo ka dhalatay weerarka lagu qaaday Masjidka ay ku cibaadeesanayeen, mana jiro faah faahino dheeraad ah oo booliiska iyo Dowlada ka bixisay weerarkan.

 

Raiisul wasaaraha dalka Canada ayaa ka hadlay weerarkaas wuxuuna sheegey in uu yahay weerar argigixisanimo ah islamarkaana ku tilmaamay mid aan loo dulqaadan Karin.

Like it? Share it!