Raiisul wasaare Xasan Cali Kheyere oo beri hortagaya baarlamanka

by Hassan Ali | Tuesday, Feb 28, 2017 | 101 views

28,February,2017(SofoNews) Ayadoo maalinta beri ah uu baarlamanka u furmidooni kalfadhigiisi 1aad ayaa waxaa siweyn loo hadal hayaa ansixinta raiisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xildhibaanada inta badan ay ogol yihiin in codka kalsoonida ah la siiyo raiisul wasaaraha Soomaaliya.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ayaa shalay shaaciyay in maalinta Arbacada ee berri uu furmi doono kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka..
Max’ed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu furo kalfadhiga 1aad ee mudanayaasha golaha shacabka wuxuuna ka codsan doonaan baarlamanka Soomaaliya in ay codka kalsoonida siiyaan raiisul wasaaraha cusub.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa magacaabistiisa kadib kulammo gooni gooni ah la lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka , isagoo weydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.
Madaxweyne max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa todobaadkii hore magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre kuna tilmaamay inuu yahay nin ay wada shaqeyn karaan, kuna soo xushay kartidiisa, aqoontiisa iyo inuu yahay nin ammaanada ku fiican.
Xasan Cali Kheyre ayaa haddii uu ka gudbo baarlamanka Soomaaliya waxaa horyaala dhismaha golaha wasiirada kuwaasi oo siweyn loo hadal hayo kadib magacaabista raiisul wasaaraha.

Like it? Share it!

Leave A Response