Ra’iisul wasaare kuxigeenka Turkiga oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

by Hassan Ali | Sunday, Apr 2, 2017 | 76 views

2,April,2017(SofoNews) Wefdigani baraalan oo uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Veysi Kaynak ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ayadoo ay garoonka diyaaradah magalaad Muqdisho ay ku soo dhaweeyeen,Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad iyo Mas’uuliyiin kale.
Booqashada Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiag uu ku yimid Muqdisho ayaa la sheegay in ujeedkeedu yahay u kuur gelida xaalada abaaraha, arrimaha bani’aadanimada iyo xoojinta howlaha mashaariicda iyo kaalmada ay siiyaan Soomaaliya.
Waxay lakulmeen madaxda dowladda Soomaaliya,ayago ka wada hadleen arrimaha abaaraha iyo dowrka Turkiga uu ku leeyahay gurmadka abaaraha.
RWararka qaar ayaa sheegaya in booqashada Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ay horu dhac u noqoneysaa socdaal la filayo inuu bishan gudaheed ku yimaado Muqdisho Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo furi doono saldhig Milateri Turkiga ka dhistay deegaanka Jazeera, kaasoo lagu tababarayo Ciidamada Soomaaliya
Turkiga ayaa ah saaxibka ugu weyn ee Soomaaliya, waxayna horay uga qeyb qaadatay howlaha dib u dhiska, arrimaha bani’aadanimada, iyadoo ka hirgelisay Muqdisho mashaariic kala duwan, sida dhismayaal waddooyin, goobo waxbarasho iyo isbitaalo.

Like it? Share it!

Leave A Response