Ra’iisul wasaare kuxigeenka Jarmalka oo Muqdisho soo gaaray

by Hassan Ali | Monday, May 1, 2017 | 59 views

1,May,2017(SofoNews) Wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Jarmalka ahna raiisul wasaare kuxigeen Sigmar Gabriel ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo uu ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalaada Muqdisho  wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Ujeedada socdaalka wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka oo aheyd mid aan horay loo sii shaacin ayaa waxaa la filayaa inuu la kulmo Madaxda dowladda.

Wefdiga ayaa haatan kulamo la leh raiisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali ayagoo ka wada hadlaya xiriirka u dhexeeya labada dal, iyo sidii dowladda Jarmarka ay uga qeyb qaadan lahayd gurmadka abaarah.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, dowladda Jarmalka ayaa ka mid ah wadamada taageera Soomaaliya gaar ahaan dhanka ciidanka.

Waxay kamid tahay  dowladaha midowga yurub ee ugu awooda badan, kuwaasoo taageera howl galka nabad ilaalinta AMISOM, oo dhaqaale fara badna ku bixiyaan.

 

Like it? Share it!

Leave A Response