Ra’iisul wasaare Kheyre oo taliska Amisom kawada hadlay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 15, 2017 | 139 views

15,March,2017(SofoNews) Xasan Cali Kheyre raiisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalaad Muqdisho kulan kula yeeshey saraakiil iyo danjiraha midowga Africa ee Soomaaliya.
Kulanka ka dhacay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa Madaxa ugu sareeya Ciidamada AMISOM Amb. Francisco Madeira Caetano,Taliyaha Milatariga AMISOM iyo Taliyaha Booliska AMISOM.
Mas’uuliyiintani ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa howlagalada amaanka lagu xaqiijinayo iyo in wada shaqeyn dhaw ay yeeshaan AMISOM iyo xukuumada cusub.
Madaxda ugu sareysa AMISOM ayaa u balan qaaday Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre in si dhaw ula shaqeyn doonana dowlada cusub ayna xoojin doonaan howlgalka lagu xaqiijinayo amaanka dalka iyaga oo kaa shanaya ciidanka Dowlada Soomaaliya.
Waa kulankii ugu horeeyeey ee dhexmara raiisul wasaraha cusub iyo madaxda iyo saraakiisha Amisom, dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaalo ku aadan sidii Alshabaab looga saari lahaa dalka

Like it? Share it!