Ra’iisul wasaare Kheyre oo su’aalo laga weydiinayo qorshaha amniga qaranka

by Hassan Ali | Wednesday, Apr 26, 2017 | 109 views

26,April,2017(SofoNews) Ayadooo uu jiro guux ka taagan diyaarinta qorshaha qaranka ayaa hadana Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa lafilayaa in  su’aalo ku aadan qorshaha dhismaha Ciidamada laga weydiiyo, lagu weydiin doonaan  kulan gaar ah oo caawa ka dhici doona Xarunta Villa Hargeysa, kaasoo looga yeeray Ra’iisul Wasaaraha.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in warbaahinta aan loo ogoleyn in ay ka qeyb galaan kulankaasi su’aalaha lagu weydiinayo raiisul wasaare Kheyre ayadoo Kulankankaasi ay ka ka qeyb geli doonaan Guddoonka Baarlamaanka, Guddoomiyeyaasha iyo xubnaha Guddiyada Difaaca iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in qorshahan uu halis ku yahay Qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya, sidaas darteed ay Madaxda dowladda sameeyeen mas’uuliyad darro weyn.

Kadib kulan Xildhibaanada Baarlamaanka ay  shalay  kuyeesheen magaalaad Muqdisho ayaa waxaa la keeney mooshin laga keenay qorshaha Amniga Qaranka ee ku saabsan dhismaha Ciidamada, iyadoo Xildhibaanada si adag uga soo horjeesteen.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in qorshahan oo la doonayo in la horgeeyo shirka London ay ka hor imaaneyso dhismaha Ciidamo Qaran ay yeelato Soomaaliya, iyo barnaamijkii isku dhafka Ciidamada ee ay waday dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Arintani ayaa ku soo aadaysaa ayadoo dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ay ku heshiyeen in la dhiso ciidamo gaaraya ilaa 1800 kun oo askari.

 

Like it? Share it!

Leave A Response