Ra’iisul wasaare Kheyre oo sirasmi ah xarigga uga jaray waddo dib u dhis lagu sameeyey Muqdisho

by Hassan Ali | Monday, Mar 27, 2017 | 55 views

27,March,2017(SofoNews) Wadadan oo loogu magac daray Dr Kadare EX- Bander Qaasim ayaa isku xirta degmooyinka Kaaraan iyo C/casiis ee magaalaada Muqdisho waxaana inn muddo ah ka soconayay howlo dib u dhis ah.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sirasmi ah xariga uga jaray wadadaasi ayadoo ay wehliyeen mas’uuliyiin katirsan mamulka gobolka Banaadir.
Dhismaha Wadadan xariga uu ka jaray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb qaateen Ganacsato Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa magaca ka badalay wadadan cusub ee dib u dhiska lagu sameeyay oo horey loo oran jiray Bandar qaasim, waxaana wadadaan hada loo bixiyay magac cusub oo ah Kadare.
Tan iyo markii dagaalada ay ka dheceen dalka ayaa Waddooyinka magaalada Muqdisho inta badan waxay noqdeen kuwo aad u burbursan islamarkaana ay aqabada ku tahaya isu socodka gaadiidka.

Like it? Share it!

Leave A Response