Raiisul wasaare Kheyre oo saacadaja soo socda ku dhawaqaya wasiirada iyo Farmaajo oo safraya

by Hassan Ali | Monday, Mar 20, 2017 | 81 views

20,March,2017(SofoNews) Max’ed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha oo muddoyinkanba ku mashquulsanaa ayaa haatan warara ku dhow dhow waxay sheegayaan in xaaladdu haatan ay mareyso heerki ugu dambeyeey.
Xogo muhiim ah ayaa tilmamaaya in suuro gal ay tahay wax kabedel badan oo lagu sameeyo habka awood qeybsiga beelaha ee wasaaradaha muhiimka ah taasi oo soo dedejisay in la soo afjaro arrimaha wadatashiga ah.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in waqtiyada soo socda gelinka dambe ee maanta ama caawa ay suuro gal tahay in lagu dhawaaqo golaha wasiirada.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa siweyn u sugaya dhismaha xukuumaddan cusub ayadoo la hadal hayo wax ay kaga duwanaan doonto dowladihii hore.
Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo la qorsheynayo in ku dhawaaqista ka dib uu u amba boxo safar debedda ah taasi oo ah dalka Kenya oo maalmahan siweyn loo hadal hayay.

Like it? Share it!

Leave A Response