Ra’iisul wasaare Kheyre oo ku mashquulsan dhismaha wasiiradiisa

by Hassan Ali | Sunday, Mar 5, 2017 | 71 views

4,March,2017(SofoNews) Warar ku dhow dhow xafiiska raiisul wasaaraha ayaa tilmaamaya in Liiska Golaha Wasiirada la hadal hayo in qaarkood horey looga baaran degey gaar ahaan wasaaradaha muhiimka ah ee sar sare.
Kulamo gaar gaar ah oo looga hadalay arrimo ku saabsan latashiga dhismaha golaha wasiirada ayaa ka soconaya magaalada Muqdisho ayadoo madaxda sare ee dalka ay wadatashi la leeyihiin siyaasiinta kaladuwan.
Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegy in Ra’iisul wasaaraha sida dastuurku qabo looga fadhiyo muddo 30 cisho gudaheeda inuu Golaha Shacabka ugu soo gudbiyo Xukuumaddiisa cusub si loogu qaado codka kalsoonida.
Xildhibaanno badan oo ka kala tirsan Aqalka sare iyo Aqalka hoose ayaa damac weyn ugu jira sidii ay uga soo muuqan lahaayeen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre , hayeeshee lama yaqaan in rajadooda ay u suuragali doonto.
Hadal haynta ugu badan ee magaalaad ayaa ah in wasaaradaha muhiimka ah aanay ku soo bixi doonin dad horey xil uga soo qabtay xukuumadda.
Wararka qaar ayaa sheegayaa in Qaar ka mid ah golihii Wasiirada hore ay dib u soo laaban karaan waxaana qaarkood ay yihiin kuwo aad ugu dhowaa Madaxweynihii hore.

Like it? Share it!

Leave A Response