Ra’iisul wasaare Kheyre oo ku dhawaaqaya golihiisa wasiirada

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 14, 2017 | 142 views

14,March,2016(SofoNews) Raiisul wasaraah Soomaaliya XAsan Cali Kheyre ayaa u mashquulsan qorshaah iyo wadatashiga ku aadan dhismaha golaha wasiirada xukuumaddiisa cusub, ayadoo aqalka madaxtooyada iyo xafiiska raiisul wasaaraha xiliyadii ugu dambeeyeey ay si aad ah u buux dhaafiyeen.
Max’ed C/laahi Farmaajo iyo raiisul wasaarihiisa ayaa waxaa ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u qancin lahaayeen beelaha waaweyn taasi oo ku aadan xagga awood qeybsiga.
1- Puntland: Wasiirka Difaaca
2- Somaliland: Wasiirka Maaliyadda
3- Koofur Galbeed: Arrimaha Dibadda
4- Galmudug: Arrimaha Gudaha
5- Jubbaland: Amniga
6- Hirshabeelle: Ra’iisul Wasaare kuxigeen iyo Wasiiro
Waxaa siweyn loo sugayaa ku dhawaaqista golaha wasiirada ayadoo Dad badan ay dhowrayaan Xukuumaddan, iyadoo durbaba ay soo baxayaan shaqsiyaad loo calaamadeynayo Wasaaradaha qaar.
Xukuumaddan cusub ayaa ka duwnaan doonta Xukuumadihii hore dalka u soo maray, marka loo eego tirada iyo Wasaaradaha ku soo kordhay.

Like it? Share it!