Raiisul wasaare Kheyre oo codka kalsoonida ka heley baarlamanka

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 1, 2017 | 112 views

1,March,2017(SofoNews) Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod caqlabiyad leh kalsoonida ku siiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo 23-kii February uu u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa furay kalfadhiga koobaad ee Baarlamaanka 10-naad, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor inta aan loo qaadin codka kalsoonida waxa uu khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka, isaga oo ka codsaday inay siiyaan codka kalsoonida, si uu u soo dhiso xukuumad u adeegta dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in xukuumadiisu aysan wax dul qaad ah u yeelan doonin falalka la xariira Musuq maasuqa iyo wax is daba marinta, waxana uu yiri.
Ra’iisal Wasaaraha oo ku guda jira khudbadiisa uu u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa mar kale yiri.
Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha ciidamada iyo xaquuqdooda ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadiisu muhiimad aad u weyn siin doonto daryeelka ciidamada kala duwan, si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada ayaa xildhibaanada u xaqiijiyay inuu si dhaqso leh u soo dhisi doono xukuumad tayo leh, uuna wadatashi dhinac kastaba leh la wadaagi doono qeybaha ay khuseyso, si loo helo xukuumada ku fadhida matilaad buuxda iyo kalsoonida shacabka.
Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada codka kalsoonida buuxda leh ee ay siiyeen, waxa uuna yiri.

1 2 3 5 6 IMG_5340 IMG_5376 IMG_5383 IMG_5405 IMG_5441

Like it? Share it!

Leave A Response