Ra’iisul wasaare Kheyre oo amaro cusub ku soo rogay hay’adaha dowladda

by Hassan Ali | Monday, Apr 3, 2017 | 117 views

3,March,2017(SofoNews) War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa amarkii u horeeyay loogu jeediayay Hey’addaha dowladda, kaasi oo ah in afka Soomaaliga ah lagu qoro waxkasta.
Qoraalka ayaa lagu cadeeyey in Amarkan uu faraya in Hey’addaha dowladda inay qoraaladooda rasmiga ah lagu qoro luqada Af-Soomaaliga ah, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu si rasmi ah qalinka ugu duugay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tallaabada ku tilmaamay mid lagu xoojinayo af-Soomaaliga oo muddooyinkii u dambeeyay hoos u dhac ku imaanayay.
Inta badan Wasaaraddaha dowladda ayaa laga adeegsadaa luqado ajnabi, sida luqada Ingiriiska, oo inta badan qoraalada la isugu diro.
Sanadkii 2015 ayay aheyd markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu soo saaray amar lagu farayo hey’adaha dowladda in qoraaladooda rasmiga ah lagu qoro Af-Soomaaliga, inkastoo aanu arrintaas wax badan ka dhaqan gelin.
Quburo ku xeel dheer Af-Soomaaliga ayaa sheegayaa in afka hooyo ee Soomaaliga u muuqda mid sii burburaya , iyadoo xafiisyada dowladda aan laga adeegsan, taasna ay ugu wacan tahay xubnaha dowladda u shaqeeya, sida Wasiirada inay yihiin dad qurba-joog ah oo hadba adeegsada luqadaha looga hadlo dalalka ay dhalashooda heystaan.

Like it? Share it!