Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo sirasmi ah u furay duulimaad tos ah Muqdisho iyo Nairobi

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 29, 2017 | 84 views

29,March,2017(SofoNews) Munaasabada uu Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku furayay Duulimaadkii ugu horeeyay oo toos ah magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, ayaa manata ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalaada Muqdisho.
Diyaaradii ugu horeesay oo rakaab ka qaada magaalada Muqdisho si toos ahna ugu dageysa magaalada Nairobi ayaa ka duushay magaalada Muqdisho, waxaana diyaaradaasi saarnaa shacab Soomaaliyeed oo baaris badan lagu marsiiyay garoonka Aadan Cadde.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa si weyn usoo dhaweeyay hirgalinta Heshiiskan cusub ee gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, shacabka ayaana markii hore dhibaato xoogan ku qabay in ay si maraan garoonka Wajeer halkaasna ku maraan kadeed badan.
Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya iyo iyo kan Kenya Uhuru Kenyata ayaa dhawaan ku heshiisyaay qodobo ay kamid yihiin in labada magaalo ay si toos ah isaga gooshaan duulimaadyada si looga gudbo dhibaatooyinkii lagu qabay garoonka Wajeer.
Hadal haynta ugu badan ayaa ah talaabadaasi oo si rasmi ah u dhaqangashay taasi oo qeyb ka ah bilowga dhaqangalka heshiisyadaasi

Like it? Share it!