Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegey in uu maanta bilowday ladagaalanka musuqa.

by Hassan Ali | Saturday, Apr 1, 2017 | 66 views

1,April,2017(SofoNews) Waxaa magaalaad Muqdisho ka bilowday xil wareejinta wasaaradaha dowladda ayadoo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayadoo sidoo kale dhowr wasaaradod ay xilalkii la wareegeen.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegey in si rasmi ah ay u bilaabatay laxisaabtan iyo ladagaalanka musuqa isagoo ku booriayaya wasiirada cusub in ay howshooda u gutaan sihufan.
Wuxuu ka mahadceliayay madaxdii hore ee Wasaaradaha kaladuwan ee dowladda oo uu sheegey in howlo badan oo muhiim ah ay dalka u soo qabteen.
Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dardaaran adag u jeediyay Wasiirka cusub Dr. Beyle iyo kuxigeenadiisa, waxa uuna kula dardaarmay inay ka fogaadaan nooc kasta oo musuq maasuq la xiriira, isaga oo xusay in nidaam cusub oo isla xisaabtan uu bilowday, loona baahan yahay in laga dhabeeyo.
Waxaa harsan dhowr wasaaradood oo kale kuwaasi oo maalmaha soo socda lafilayo in ay xilalka la wareegaan.

Like it? Share it!

Leave A Response