Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka jawaabay su’aalo ku aadan amniga qaranka

by Hassan Ali | Thursday, Apr 27, 2017 | 67 views

27,April,2017(SofoNews) Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxay kulan gaar ah ay la yeesheen guddiga u qaabaislan baarlamanka Soomaliya dhanka difaaca kaasi oo ku saabsanaa amniga qaranka.

kulan su’aallo lagu weydiinayay raiisul wasaaraha waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka ahna kusimaha madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Guddoonka iyo gudiyada Barlamaanka u sharaxay qorsha ku aadan dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Soomaaliya .

Waxaa soconaya qorshe ku aadan amniga qaranka oo ay Dowaladda Federaalka  Soomaaliya  ku dadaaleyso sidii loo dhisi lahaa Ciidamo hanan kara Ammaanka Dalka, si looga maarmo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee hada Dowladda ka caawiya ladagaalanka Kooxda Argagixisada ee Alshabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response