Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo haatan ka hor khudbaynaya baarlamanka

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 29, 2017 | 99 views

29,March,2017(SofoNews) Kulankii baarlamanka ayaa hadda furmay ayadoo uu khubada uu qaatay raiisul wasaaraha Soomaaliya oo baarlamanka u jeedinayo codsi ku saabsan in xukuumaddu ay meel marto.
Kulanka oo ay soo xaadireen 236 Xildhibaan ayaa ah tiradii ugu badneyd ee soo xaadirta kulamadii u dambeeya ee Baarlamaanka yeesho, iyadoo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/wali Muudey uu ka sheegay inuu yaalo mooshin ay keeneen illaa 10 Xildhibaan.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ahaa Xildhibaanada saxiixay mooshinka soo jeedinta ah oo lagu dalbanayo in kulanka Baarlamaanka ee maanta lagu ansixiyo Xukuumadda, maadaama dalka uu ka jiro xaalad adag sida abaaraha ku habsaday dalka.
Hase ahaatee Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ka jawaabayay mooshinka ayaa sheegay in mooshinka la keenay aanu sharci aheyn, isla markaana barnaamijka Xukuumadda ee la hor-keenay ay tahay in muddo 48 saacadood lagu soo akhristo.
Xarunta Golaha shacabka ayaa waxaa ku sugan inta badan Wasiirada uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo sugaya in codka kalsoonida ah ay helaan, iyadoo waqtiga uu yahay mid socda, Xukuumaddana ay dooneyso inay hesho codka kalsoonida Baarlamaanka.
Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay barnaamijkiisa Xukuumadda, waxaana Xildhibaanada qaar ku doodayaa inay ku soo akhristaan barnaamijkaas ay tahay in muddo 48 saacadood ku soo akhristaan, maadaama waxa la ansixinayo aanay aheyn kaliya Golaha Wasiirada

Like it? Share it!