Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo dalbaday in la baaro duqeymihii Yemen ee lagu dilay qoxooti Soomaali ah(Daawo Sawirro)

by Hassan Ali | Sunday, Mar 19, 2017 | 131 views

19,March,2017(SofoNews) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Cambaareeyay falkii lagu duuqeeyay dad shacab ahaa oo isticmaalayay xeebaha dalka Yemen.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska raiisul wasaare Xasan Cali Kheyer ayaa loogu tacsiyadeeyey qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen dadkaasi sida xaq darada ah loogu laayay iyaga oo ku safraya xeebaha dalka Yemen, wuxuuna falkaasi ku tilmaamay mid ka baxsan bani’aadanimada iyo xaquuqul insaanka.
Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dalbaday in la baaro falkaasi iyo cida ku lugta leh, maadaama ay dadkaasi ahaayeen dad aan hubeysneyn oo aan waxba galabsan, una badnaa haween iyo caruur.
Ugu dambeyn, Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray howlwadeenada wasaaradda arrimaha dibedda inay ka caawiso qoysaskii ay ka baxeen dadkaasi lana wadaagaan wixii macluumaad ah ee laga hayo dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah.

Like it? Share it!