Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho boqolaal dadweyne ah kula dukaday salaad roobdoon ah

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 14, 2017 | 74 views

14,March,2017(SofoNews) Ayadoo ay jiraan abaaro xoogan oo saameeyey nolosha dadka iyo duunyada oo ka taagan Soomaaliya ayaa waxaaa bilowday banaan baxyo iyo salaad roob doon ah si alle uu dhibaatada uga qaado umadda Soomaaliyeed.
Magaada Muqdisho ayaa kamid ah goobaha lagu oogey salaadda roobdoonka ah waxaana masjidka isbaheysiga ee magaalaad Muqdisho ka ga qeybgalay dukashada salaadaasi raiisul wasaaraha Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka abanaadir, culimaa’udiin iyo qeybaha bulshada.
Raiisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan caawinaadda dadka walaalohoodi ah oo ay abaartu samey, wuxuuna sheegey in dowladda uu soo dhisidoono ay noqon doonto mid u daneysa bulshada.
Salaadaan ayaa Alle looga baryaya in uu dadka Soomaaliyeed ee xaaladda adag ku jira uu ka dulqaado abaaraha iyo cudurada,waxaana ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llahi Maxamed Farmaajo asaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Alle bari Sameeyaan isla markaana ay dukadaan Salaaad roob doon ah.
Sidoo kale qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu oogay salaada roobdoonka ah ayadoo ay jiraan meelaha qaar in banan baxyo alle bari ah ay ka dheceen.

Like it? Share it!

Leave A Response