Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo kulankii ugu horeyeey la yeeshey xildhibaanada Hawiye

by Hassan Ali | Sunday, Feb 26, 2017 | 136 views

26,February,2017(sofoNews) Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, kuwaasoo ka soo jeeda Beelaha Hawiyekuwaasi oo uu kala jhadlay arrimo badan oo ku aadan magacaabistiisa .
Waxaa ka qeyb galay Kulankaasi illaa 55 Xildhibaanada waxaana kuwa ka maqan la sheegay inay dibadda fasax u aadeen xildhibaanada Beelaha Hawiye ayaa sheegay inay si buuxda u taageerayaan Ra’iisul Wasaaraha cusub Xasan Cali Kheyre.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in diyaar u yihiin in codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul Wasaaraha.
Wuxuu uga mahadceliyaay xildhibaanad ii uu lakulmay Ra’iisul Wasaare Kheyre taageerada ay u muujiyeen, isagoo ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan.
Ka hor inta aan lageynin baarlamanka ayaa wuxuu kulamo gooni gooni ah uu la yeelanaya dhamana xubnaha baarlamanka Soomaaliya ugu jiraan beelaha Soomalaiyeed isagoo weydiisanaya codka kalsoonida.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda hor-geeyo Baarlamaanka, sii u weydiiso in la siiyo codka kalsoonida.

16806881_1365946346790530_7090144733729843931_n-1 16864121_1365947133457118_4816110323326238619_n 16864150_1365947156790449_2197136325315213995_n 16864285_1365947146790450_6604337659133833141_n 16996096_1365946356790529_916659947125982785_n 16996155_1365947143457117_3817435554469599888_n 17021878_1365946363457195_6223245314652542613_n barre-640x480

Like it? Share it!

Leave A Response