Raiisul wasaaraha Itoobiya oo isku shaandheeyey golihiisa wasiirada

by Hassan Ali | Wednesday, Nov 2, 2016 | 306 views

2,November,2016(SofoNews) Ayadoo xiisado dhanka siyaasadda ah ay k ataagan yihiin dalka Itoobiya ayaa waxaa soo baxaya in dowladda Itoobiya ay isku shaandheyn ku sameysay xukuumadda.

Wararka ayaa sheegaya in Soomaalida Itoobiya ay markii ugu horeysay labo wasiir ku yeesheen xukuumada wadankaas ka dib markii Ra’isal Wasaare Haile Mariam Desalegn, uu isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa Wasiirada.

Aarrimahani ayaa daba socoda ka dib mudaaharaadyo siyaasadeed oo dalkaas qeybo ka mid ah ka dhacay kuwaasoo horseeday in dalkaasi la geliyo xaalad deg deg ah.

Raiisul wasaraha Itoobiya Mr Hailemariam ayaa magacaabay 21 wasiir oo ay ku jiraan wajiyo cusub oo hoggaamin doono wasaaradaha Maaliyada iyo arrimaha dibedda.

Axmed Shide ayaa laga dhigay wasiirka gaadiidka halka Cabdifitaax Sheekh Cabdullaahi loo daayay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo uu horey u ahaa deegaanka Soomaalida Itoobiya ayeyna ka soo jeedaan labadaba.

Waa markii ugu horreysay oo Soomaalida Itoobiya ay golaha wasiirada federaalka ka helaan laba xubnood, waxayna horey u lahaan jireen hal wasiir, iyadoo talaabadan loo arko mid lagu abaal marinayo dowlad degaanka Soomaalida dalkaas oo ka soo horjeestay dibed baxyada looga soo horjeeda dowlada dhexe, isla markaana taageero u muujiyey qowmiyada Tigrega ee talada wadankaas awooda ku leh.

Isbeddaladan waxaa loo arkaa in dowladdu ay uga gol leedahay inay wax uga qabato cabashooyinka loo soo jeedinayay tan iyo sanadkii la soo dhaafay.

Like it? Share it!