Ra’iisul wasaaraah Soomaaliya oo barakacyaal ku booqday duledka Muqdisho

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 28, 2017 | 72 views

28,March,2017(SofoNews) Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo ay wehliyaan Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banadir ayaa maanta booqday deegaanka Garsbaalay ee duledka Koonfureed ee magaalaad Muqdisho.
Ujeedada booqashada raiisul wasaaraha ayaa laxiriirta u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaankaasi iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadkaasi.
Sida aan Wararka ku heleyno Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa gacantiisa gar gaar isugu jira raashinka nuucyadiisa kala duwan ugu qeybinaya dad Barakacayaal ah oo ku sugan xeryo kuyaala Deegaanka Garasbaaley ee Degmada Dayniile.
Dadka kasoo barakacay abaaraha ku dhuftay gobolada dalka ee ku sugan duleedka magaalada Muqdisho waxaa ka muuqda daruufo aad u adag, waxaana Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya u kuurgalayaa Indhihiisana ku arkay xaalada adag ee dadkaasi ku sugan yihiin.
Raiisul wasaare Kheyre ayaa ku dhexsocdaalay xeryaha ay kujiraan dadka barakacyaasha ah wuxuuna warbixino laxiriirta nolosha dadkaasi ka dhegeystay maamulka deegaanka iyo waxgaradka.

Like it? Share it!

Leave A Response