Ra’iisul wasaaraah Britain oo qalinka ku duugtay ka bixitaanka Yurub

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 29, 2017 | 106 views

29,March,2017(SofoNews) Theresa May oo ah ,Ra’isal wasaaraha dalka Britain ayaa saxiiday qoraal rasmi ah oo ku saabsan waqtiga dowladda Ingiriisku ay ka baxayso xubin nimadii midowga rer Yurub.
Qoraalkaasi oo ay saxiixday raiisul wasaare Thresa May ayaa waxaa lafilayaa in loo gudbiyo guddoomiyaha golaha midowga Yurub Donal Taska si uu u aqbalo.
Warbixin ay siisay golaha baarlamanka Ingiriiska, ayey Ra’isal Wasaaruhu ugu sheegtay xildhibaannada in tallaabadani astaan u noqon doonto “wada jirka dalka”.
Waxaa lagu wadaa in ay shir guddoomiso kulan gaar ah oo ay la yeelanayso golaha wasiirada dalkaasi kaasi oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda dalkaasi iyo mustaqbalka Britan, ayadoo dhanka kale warbixin ka horjeedin doontaa xildhibaannada oo ay ku wargelin doonto in ka bixitaankii UK ee Midowga Yurub si rasmi ah u bilaabmay.
Dadweynaha reer Britain oo afti laga qaaday ayaa isku raacay in Britain ay ka baxdo midowga Yurub taasi oo siweyn loo hadal hayo saameynta ka dhalankarta.

Like it? Share it!