Raiisul wasaare Cumar C/rashiir oo weeraray dowladaha deriska la ah Soomaaliya

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 1, 2017 | 119 views

1,February,2017(SofoNews) Shirjaraaid uu maanta ku qabtay magaalaad Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah oo la Xiriira Doorashada iyo arrimaha amanaka  .

Raiisul wasaaraha oo hadda ah Musharax u tagaan  Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan Faragelin toos ah oo Dowladaha Dariska ay ku hayaan Doorashada Soomaaliya,waxaana uu ugu baaqay Baarlamaanka in ay iska ilaaliyaan Faragelinta Tooska ah ee Wadamada Dariska ay ku hayaan Doorashada.

Sidoo kale waxaa uu Carabka ku dhuftay Ra’iisul Wasaare Sharmaake in Dalalka Dariska ah ee hadda faraha kula jira Arrimaha Doorashada in ay wataan Shaqsiyaad gaar ah.

Mr’uu ka hadlayay muhiimadda shirkiisa jaraaid ayaa waxaa uu yir “Waxaan soo jeedinayaa in Baarlamaanka Soomaaliya oo Mas’uul ka ah Shacabka Soomaaliyeed in aysan Ogolaan Faragalinta Qaawan ee lagu hayo Doorashada,Soomaaliya waa dal Madax Banaan iyada ayaana Xaq u leh in ay aayahooda ka Tashtaan”ayuu yiri Sharmaake.

Magaalaad Muqdisho ayaa waxaa laga dareemaya olole balaaran oo dhanka siyaasadda laxiriira ayadoo Cumar C/rashiid Cali uu hadda kamid yahay    24 Musharaxa oo dadaal ugu jira in ay Madaxweyne ka noqdaan Dalka.

 

Like it? Share it!