Raiisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo saxiixay Buugga Tacsida Amiirkii hore ee Qadar

by Hassan Ali | Friday, Oct 28, 2016 | 115 views

28,Oct,2016(SofoNews) Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Maxamed Cumar Carteh ayaa saxiixay Buugga Tacsida ee Amiirkii hore ee Dalka Qadar Sheekh Khalifa Bin Xamad Al Taani oo dhawaan ku geeriyooday dalkaasi.

Mr Carteh oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya ayuu uga tacsiyeeyay geeriidi ku timid Amiirkii hore ee Dalkaasi.

Waxaa uu sheegey dowladda iyo shacbkaba dalkaasi  ugu tacsiyadeynayaan  Qadar geeridii ku timid Amiirkii hore ee Dowladda Qadar Sheekh Khalifa Bin Xamad Al Taani, Waxaana Alle uga baryayaa inuu Janatul fardowso ka waraabiyo”.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo saxiixay Buugga tacsida ayaa waxa uu ka codsaday Safiirka Dowladda Qadar inuu tacsi ka gaarsiiyo Madaxda ugu sarreeysa Dalkaasi, waxaa kaloo uu kala hadlay sidii loo sii kordhin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada Dal.

 

Like it? Share it!

Leave A Response